Goobo ganacsi oo Bosaaso ah oo Daacish ay xirtay

|

Boosaaso (ONKOD ) Wararka ONKOD uu ka helayo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas albaabada loo laabay goobo ganacsi  sabab la xiriira hanjabaad uga timid kooxda Daacish.

Waxa ay sheegeen  ganacsato halkaas ku sugan in kooxda  Daacish ay ka dalbadeen ganacsatada in ay bixiyaan lacag , ay ku sheegaan kooxda mid lagu taakulaynayo kooxda .

Dhawr qof oo ka mid ah ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa sheegay in  lagula soo hadlay telefoon loona sheegay in haddii aysan bixin lacag ay gubayaan goobaha ganacsiga.

Arintan  ayaa saamayn waxa ay ku yeelatay dadka ku nool magaalada Boosaaso ee gobolka Bari – kuwaas oo ka walwal qaba xaaladda amni darro eek a jirta maagalada.

Maalmo ka hor koox hubaysan oo aan la aqoon hase ahaatee loo malaynayo kooxda Daacish ayaa bamgacmeed ku wareeray sida la sheegay goob ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso.

Maamulka gobolka Bari wax faahfaahin ah ma uusan ka bixin  xirnaanshaha falal amni dartooda goobaha  ganacsiga ee magaalada Bosaaso halkaa soo xarun ganacsi.

Kooxda Daacish ayaa ka dagaalanta buuraha Galgala halkaas oo  marar badan ay isku fara saareen  iyaga [Daacish] Iyo kuwa maamul goboleedka Puntland.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha