Guuxa mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha shacabka

|

Muqdisho (ONKOD ) Waxaa si aad ah loo hadal hayaa guusha ku saabsan mooshin la doonayo in lagu rido Guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamuud Nuur Madoobe.

Qorshahan oo si hoose u socday sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa si aad u soo baxay , 24-kii saac ee la soo dhaafay ,

Xildhibaan Maxamed Abuukar oo ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay inay wadaan mooshin ka dhan ah guddoonka golaha markii uu ku fashilmay shaqad Golaha shacabka.

Waxa uu sheegay xildhibaankan in suurtagal ahayn in sidan uu ku sii socda Golaha shacabka , isla markaana aanay socon wax shaqa ah oo Golaha shacabka ah , fadhiyadiisuna uu noqday mid  si joogta ah u baaqda.

Fadhiyada Golaha shacabka , ayaa maalmihii la soo dhaafay ahaa mid gabal dhaclaynaya oo aan si fiican u qabsoomin fadhiyada caadiga ah sabab la xiriirta kooram la’aan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee mooshinka  la sheegay in laga keenay ayaa hore digniin ugu diray xildhibaanada Golaha shacabka inay ka maqnaadaan fadhiyada Golaha shacabka .

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulankoodii shalay loogu qeybiyey ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka, kadibna guddoomiye ku xogeenka labaad ee golaha oo shir guddoomineysay ayaa ku war gelisay in kulanka lasoo xiray.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha