Hay’adda Human Rights Watch oo warbixin cusub ka soo saartay xasuuqii deegaanka Gololey

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa warbixin cusub kasoo saartay xasuuqii laba sano ka hor ka dhacay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dilay illaa siddeed qof oo ahaa shaqaale caafimaad.

Hay’adda ayaa ugu baaqday Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, in uu dib u eegis ku sameeyo dhacdadaasi, si loogu sameeyo baaris dheeraad ah.

“Waxa uu ku bilaabi karaa in uu amar ku bixiyo in dib u eegis lagu sameeyo baaritaannada dowladda federaalka ah ee wali la sugayo ee ku saabsan dhacdooyinka halista ah ee lagu weeraray dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri warbixinta Hay’adda Human Rights Watch.

Labo sano ka hor, tuulada Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya, waxaa ka dhacay xasuuq ba’an oo lagu xasuuqay siddeed ka mid ah shaqaalaha caafimaadka.

Gelinkii dambe ee 27-kii May 2020, shan nin oo wejiyada soo duubtay – afar la sheegay inay wateen dareeska dawladda – ayaa toddoba nin oo shaqaale caafimaad ah ka afduubay xarun caafimaad oo ay maamusho hay’ad aan dowli ahayn.

Waxa kale oo ay kaxeysteen nin farmashi ka ag dhowaa xarunta iibinayay dawooyinka. Dableyda ayaa siddeedii qof u soo dhaqaaqay, iyagoo indhaha ka xiray, waxayna ka tageen dumarkii ay isla shaqeynayeen.

Muddo 24 saac ku dhow ayay bulshadu isku dayday inay soo hesho raggaas. Gelinkii dambe ee 28-kii May, ayaa meydadkooda oo rasaastu ku dhacday laga helay meel ka baxsan tuulada.

Dilalkaasi waxa ay halakeeyeen bulshada ku nool deegaanka Gololey, kuwaas oo ka qiirooday geerida dadkooda. Dhallinyaro badan oo ay qaraabadoodu ugu yeereen rajada ugu weyn ayaa reerkooda u hiilliyay, Dilkan ayaa sidoo kale argagax geliyay guud ahaan dalka Soomaaliya.

Labada maamul ee gobolka iyo kuwa dowladda ee Muqdisho jooga ayaa billaabay baaritaanno. Balse labo sano ka dib, ma jirto wax ka soo baxay baaritaannadaas.

Madaxwaynihii Dowlad goboleedka Hirshabelle, ee xilligaasi waxa uu sameeyay guddi baaris ah, waxa uuna ballan qaaday in 30 cisho gudahood ay ku soo saari doonaan natiijada baaritaannada.

Laakiin tani weligeed ma dhicin. Sidoo kale ma jiro wax natiijo ah, oo ka soo baxay baaritaanka ay wadeen Waaxda Dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID-da.

Ehellada iyo asxaabta toddobada qof ee shaqaalaha caafimaadka ayaa si isdaba joog ah ugu baaqay caddaalad.

Dhawr ka mid ah, asxaabtooda oo goob-joog ka ahaa afduubka ayaa u markhaati furay baarayaasha duruufo adag.

Mid ka mid ah dumarkii aanu wada shaqaynaynay ayaa wakhtigaas noo sheegtay: “Waxa aan culays igu hayay muddo dheer. Waad fahmi kartaa sida ay dareemeyso inaad u xiistay asxaabtaada kula shaqeyneysay; waxaan rajeyneynaa in maalin uun ay heli doonaan caddaalad.”

Dhacdadan naxdinta leh ka sokow, baaritaanno kale oo lagu sameeyay dilalkii iyo waayitaankii dadka rayidka ahaa sannadihii u dambeeyay ayaan sidoo kale la soo gabagabeyn, taasoo u oggolaanaysa in isla xisaabtan la’aanta ay sii jirto oo ay ehellada wax jawaab ah, waayeen.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballan qaaday inuu mudnaanta koowaad siinayo dib u habeynta sharciga iyo garsoorka. Waxa uu ku bilaabi karaa in uu Ammar ku bixiyo in dib u eegis lagu sameeyo baaritaannada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee wali la sugayo ee ku saabsan dhacdooyinka halista ah, ee lagu weeraray dadka rayidka ah. Iyo ehelladii iyo asxaabtii badnaa ee lagu xasuuqay Gololey waxay mudan yihiin baaritaan cusub.

Related Articles

News In English

Fikradaha