Israel oo gudaha u gashay Isbitaalka Al-Shifa ee Gaza

|

GAZA (ONKOD ) Wararka laga helayo GAZA ayaa sheegaya in ciidanka Israa’il maanta oo arbaca ah  gudaha ay u – galeen mid ka mid ah isbitaalada ku yeela marinka GAZA halkaas oo ay duqeymo ka dhacayaan.

Duqeymahan ayaa waxa ay ka dhaceen Xarunta Isbitaalka al-Shifa halkaas oo marar badan ay ka dhaceen duqeymo ay ka gayseen ciidanka Israa’il .

Korontada iyo Biyaha ayaa ka go’an isbitaalka maalmihii lasoo dhaafay taasi oo halis gelisay nolosha dhaawaca iyo caruurta isbitaalka lagu daaweenayo.

Ciidanka Israa’il ayaa sheegay in isbitaalka  gabaad ay ka dhigteen sida ay hadal   u dhigtay kooxda Xamaas oo dagaal kala soo horjeeda Israa’iil.

Xamaas ayaa beenisay inay wax xarun ah ku leedahay gudaha ama nawaaxiga Isbitaalka.

Ilaa hadda, in ka badan 70 dagaalyahannada Xisbullah ah iyo 10 rayid ah ayaa lagu dilay Lubnaan, halka Israa’iina laga dilay 10 qof oo ay ku jiraan toddobo askari

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha