Jubbaland iyo dowlad deegaanka oo arrimo xasaasi ah kawada hadlay

|

Jigjiga (ONKOD) Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Godey ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cagjar.

Kulankan dhax maray madaxda labada maamul ayaa intii uu socday waxaa looga wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo fududeynta isu socodka bulshada ku kala dhaqan Jubbaland iyo dowlad deegaanka.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay amniga xuduudaha, iskaashiga dhinacyada hormarka, isku socodka bulshada iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha dowliga ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa Mustafa Cagjar u sheegay in uu socdo dhaqdhaqaaq xooggan oo ah dardargelinta wajiga labaad ee la dagaalanka ‘AS’ oo ka ballaaran wajigii 1aad sida ay sheegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa muddooyinkii dambe waxa ay wadday dedaal xooggan oo ciidamo ay ku geyneyso xadka ay la wadaagto Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Koofur Galbeed kaddib markii ‘AS’ ay ka gudbeen lana dagaalameen ciidanka Ammaanka DDS.

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha