Kenya oo Soomaaliya raali-gelin ka siisay Dhacdadii shalay ee calanka Somaliland

|

Muqdisho (Onkod Radio) –Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa raali-gelin ka bixisay in calanka Somaliland shalay lagu arkay munaasabad uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku casuumay diblomaasiyiinta caalamiga ah ee ee ku sugan Nairobi.

Munaasabaddaas ayaa waxaa isaga baxay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kadib markii uu goobta ku arkay calanka Somaliland iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi. 

Safaaradda Soomaaliya ayaa kadib qoraal ay u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya uga cabatay arrintaas, ayada oo sheegtay in tallaabadaas ay xadgudub ku tahay qarannimada, madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya. 

Ayada oo cabashadaas ka jawaabeysa ayey Wasaaradda Arrimaha Dibeddda Kenya waxay xalay soo saartay qoraal ku socda safaaradda Soomaaliya, kuna bixineyso raali-gelin.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay qireysaa warqadda kasoo baxday safaaradda Soomaaliya ee ku taariikheysan 14-ka June 2022 iyo inay dareenkeena kusoo jeedisay in calanka Somaliland uu ka mid ahaa calamadii yaalay dhacdo sanadeedkii diblomaasyadda,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya. 

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay ka xun tahay sida aan ku talo-galka iyo munaasibka ahayn ee calanka Somaliland uga soo dhex muuqday dhacdo sanadeedka diblomasiyadda. Wasaaraddu waxay kale oo rajaynaysaa inay dib u xaqiijiso aqoonsiga qarannimada hal dawlad oo federaal ah oo Soomaaliyeed iyo jiritaanka qaranka federaalka Soomaaliya.” 

Related Articles

News In English

Fikradaha