Madaxweyne Farmaajo, oo magacaabay guddi cusub

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magacabaay guddiga qaban-qaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Guddiga ayaa waxa hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise, waxayna ka shaqeyn doonaan munaasibadda xil-wareejinta iyo waxkasta oo la xiriira.

Farmaajo, ayaa guddigaan faray in ay si deg-deg ah u diyaariyaan munaasabadda xil-wareejinta, xili uu maanta Madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha dooran ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan oo dhacay barqanimadii maanta ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhoweyn, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xog-ogaal ah.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Labada Madaxweyne ay iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee dalka, sidii wada-jir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dardar gelinta dadaalladii horumarineed ee dalka ka socday 5-tii sano ee la soo dhaafay.

Si kastaba, Tan markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kulamo wada-tashi ah ka waday magaalada Muqdisho, isaga oo shalay qaabilay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

Guusha Madaxweynaha cusub ayaa si aad ah looga fal-celiyey, iyada oo dowladaha taageera Soomaaliya ay bogaadiyeen qaabkii ay u dhacday doorashadii uu kusoo baxay.

Related Articles

News In English

Mogadishu police arbitrary detain and threaten journalists covering insecurity in the capital

Mogadishu (Onkod Radio), 4 July, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the arbitrary detention, threats and...

Several people shot at Copenhagen shopping mall: Danish police

Denmark (Onkod Radio) –Danish police said several people had been hit by gunshots at a shopping mall in the capital Copenhagen. Police reinforcements have been deployed...

SJS and SOMA strongly condemn travesty trial and jail sentence on journalists in Somaliland

Mogadishu (Onkod Radio) – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the travesty of trial and the one year and four...

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...