Madaxweyne Geelle oo arrin muhiim ah kula dardaarmay madaxweyne Xasan Sheekh

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyey xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeediyey dardaaraan culus oo ku socdo dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Geelle ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay u baahan tahay inay iyadu is garabsato, waxna wada qabsato, isla-markaana ay wax lasii qeybsato dunida inteeda kale.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay Ummadeeda oo dhan waxa ay u baahan tahay maskaxdeydii oo dhan waxa ay u baahan tahay xoogeeda oo dhan waxa ay u baahan tahay sida uu yiri Madaxweynaha cusub heshiis dhexdeeda ah iyo heshiis ay la leedahay adduunka oo dhan,” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar.

Sidoo kale waxa uu usoo jeediyey madaxda Soomaaliyeed iyo shacabka inay iskaashadaan, si ay uga marmaan in mar weliba wax la siiyo.

“Gacantiina isku maamula kheyraadkiina lasoo baxa kuwa wax bixiya noqda, kuwa wax lasiinaya uun inaana la noqon, taasina halgan dheerbey dooneynsaa,” ayuu raaciyey.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu garab istaagi dowladda cusub, isla-markaana uu ula shaqeyn doono si walaalnimo ah.

“Waxaan hubaa isagoo khibaraddii loo baahnaa leh, isaga oo soo maray xukunka waxa uu yahay isaga oo garanaya waxa soo socda, sida uu u maamuli doono, sida uu u maareyn doono annagu waan ku garab joognaa Madaxweyne,” ayuu markale yiri Ismaaciil Geelle.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “Waxaan jecelnahay inaad naga daydid aktaada kula shaqeyno wanaag iyo horumar iyo Umaadda Soomaaliyeed oo faqriga ka baxda,”.

Related Articles

News In English

Fikradaha