Madaxweyne Laftagareen oo Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyay

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqddisho isaga iyo Wafdi uu hogaaminayay, waxaana garoonka kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan golayaasha dowladda federalka Soomaaliya.

Socdaalka Laftagareen ee magaalada Muqdisho ayaa ku qotoma ka qeyb galka munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo lagu wado in barri ay ka dhacdo magaalada caasimadda ah, kadib doorashadiisii 15-kii bisha May 2022-ka uu noqday madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa maanta soo gaaray wufuud kale duwan, , kuwaas oo u jeedkoodu yahay ka qeyb galka xalafladda lagu wado in barri lagu caleemo saaro madaxweynaha dalka, waxaana la filayaa in dalka ay soo gaaraan madaxda wadamada dariska ah.

Related Articles

News In English

Fikradaha