Maraykanka iyo Kenya oo iska kaashanaya Difaaca

|

Nairobi (ONKOD) Dowaldda Maraykanka iyo Kenya ayaa maalintii Isniintii kala saxeexday heshiis iskaashi oo la xiriira difaaca, kaas oo looga dan leeyahay in lagu xoojiyo la dagaalanka argagixisada Bariga Afrika iyo in taageero loogu muujiyo dedaalada ay Kenya ku doonayso inay ku hoggaamiso hawl-galka dhinaca amniga ee dalka Haiti oo ay sheegtey in ay u direyso ciidamo nabad ilaalin ah.

Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka Lloyd Austin iyo wasiirka difaaca ee Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya muddo 5 sano ah.

Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka Lloyd Austin iyo wasiirka difaaca ee Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya muddo shan sannadood ah.

Xoghaye Austin ayaa sheegay in Maraykanku uu uga mahadcelinayo Kenya hoggaaminteeda ku aaddan xallinta duruufaha amniga ee gobolka iyo weliba kuwa caalamka.

Sidoo kale, wuxuu ku sheegay in ay kala shaqaynayaan Congresska Maraykanka sidii loo ansixin lahaa lacag dhan illaa $100 milyan oo lagu bixiyo hawlgalka Haiti.

Xoghayaha gaashaandhigga maraykanka ayaa toddobaadkii hore, ka qayb gelaya kulan doceed ka dhacay New York, intii uu socday shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay

Related Articles

News In English

Fikradaha