Maydka wasiir Khadiiyo oo maanta la keenay Muqdisho

|

Muqdisho (ONKOD ) maanta oo Khamiis ah waxa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay maydka AUN wasiirkii haweenka  Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wasiir Khadiijo ayaa shalay waxa ay ku geeriyootay , dalka Jabuuti halkaas oo maalmo ay ku xanuunsanaysay iyadoo ujeedkoodu ahaa in ay ka qayb gasho shir halkaas ka socday.

Wasiiro ka mid ah xukuumadda Soomaaliya ayaa ku sugnaa Garoonka Aadan Cadde ee laga soo dejiyay Wasiir Khadiijo.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Xamsa ee waday meydka Wasiiradii hore, Waxaa garoonka Jabuuti ka soo sagootiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Related Articles

News In English

Fikradaha