MUQDISHO : Ciidan wada- tirsan Dowladda oo isku laayay.

|

Muqdisho (ONKOD ) Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal uu ku dhaxmaray degmada  Dayniile ee magaalada Muqdisho , kaas oo dhimasho iyo dhaawac gaystay .

Iska hor imaadkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay xaafada Siisii ee degmada Dayniile halkaas oo saacado badan dadka ku noo marti u ahayeen  rasaasta la is waydaarsanayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen meydka hal askari iyo dhaawaca labo kale, waxaana goobta soo gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa booliiska

Sida wararku sheegayaan is-rasaaseynta ayaa u dhaxeysay ciidamo ka tirsan Bolisiyo Milatari iyo ciidamo lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Labada ciidan ayaa is-rasaaseynta ka hor waxaa dhaxmaray muran, kaddib markii ciidamada ammaanka ee Muqdisho lagu wareejiyay qabteen daqiiqadana hayeen ciidamo ka tirsan kuwa tarabarka ku soo qaatay Eritrea.

Saraakiisha Dowladda Soomaalia ma aysan faahfaahin iska hor imaadka ciidam ka wada tirsan Dowladda ku dhaxmaray degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho kaas oo waxyeelo gaystay.

Dhawr jeer sidan oo kale magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya

Related Articles

News In English

Fikradaha