MUQDISHO : Saraaakiil oo ciidan oo lagu dilay kuwa kalena lagu dhaawacay

|

Muqdisho (ONKOD) Magaalada  Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo waxyeelo ay ka soo gaartay saraakiil ka mid ah ciidanka Dowladda Federaalka ah Soomaaliya.

Gaari ay la socdeen ciidanka Dowladda Federaalka ayaa lala eegtay qaraxan oo ay ku dhawaacmeen kuna dhinteen xubno ka mid ah ciidanka.

Baabuurka la qarxiyay oo ahaa Cabdi Bile ayaa ku socdaalayay waddada Daarusalaam, waxaana qaraxa uu ku qabsaday halka loo yaqaano suuqa jaayga, Isla deegaanka Daaruslaam ee Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan illaa 6 askari ayaa goobta ku dhintay, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada saarnaa baabuurka qaraxa lagula beegsaday halkaasi.

Saraakiisha Dowladda  wali wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin weerarkan lagu dilay saraakiisha ciidanka , waxaana la sheegay in goobta ay gaareen ciidanka Dowladda.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo weerarada sii kordhaya ee ay haatan kooxda Al-Shabaab ka geysaneyso Muqdisho, xilli ay dhankooda howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda.

Related Articles

News In English

Fikradaha