Muslimiintii ugu badanayd oo bilaabay acmaasha xajka

|

Riyadh (ONKOD ) Maanta oo Talaad ah In ka badan laba milyan oo xujay ah ayaa taagan buurta Carafa, si ay u gutaan rukniga ugu weyn arkaanta xajka , iyadoo muslimiin badan oo caalamka ku nool  maanta ay sooman yihiin intooda badan.

Dadka Islaamka ee maanta taagan banka cafaro waxaa ka mid ah kumaan dad Soomaaliyeed kuwaas oo ka kala tagay gudaha iyo dibadiisa si ay u gutaan rukniga arkaamta xajka.

Warbaahinta maxaliga ee magaalada Riyadh ayaa sheegtay, in xajka sannadkan ay ka qeybgali doonaan ku dhawaad laba milyan iyo bar, taas oo ka dhigan  tiradii ugu badneyd oo Muslimiin ah oo abid u soo xajisa xajka.

Ammaanka xajka ayaa sii wayn loo adkeeyay iyadoona boolis badan lasoo dhoobay waddooyinka magaalada Maka si ay ammaanka u sugaan.

Dowladda Sacuudiga ayaa tirada dadka gudanaya Xajka u qoondeysa dalalka taasoo lagu saleeyo baaxada iyo tirada shacabka ku nool dalka

Dalka Inodnesia ayaa hela tirada ugu badan ee adka loo ogol yahay xajka, waxaa ku xiga Pakistan, Hindiya, Bangladesh iyo Nigeria.

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha