Muuse Biixi ‘’Xabad joojin baa diyaar u nahay oo ka dhaqan gasha Laascanood ‘’

|

Hargaysa (ONKOD ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay xaaladda magaalada  magaalada Laascaanood  halkaas oo labadii maalin ee u danbeysay  dagaal uu ku dhexmaray Somaliland  iyo kuwa  gobolada Sool iyo Sanaag.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatada ka taagan Laascaanood laga soo abaabulay dibadda, isla-markaana halkaas laga geystay dil iyo dhaawac aan loo baahneyn.

Muuse Biixi Cabdi ayaa meesha ka saaray in dagaalka ka socda Laascanood ay ku lug leeyihiin dadka deegaanka waxa uu ku celiyay markale in dagaalkaas ay qayb wayn ay ka yihiin ciidanka maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in dhankooda aaney weerar eheyn, isagoo tusaale uga dhigtay in dagaaladii u danbeeyay ciidankooda lagu soo qaaday, wuxuuna soo bandhigay askarta looga dilay.

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in dad badan ay dhintaan, dhaawacmaan oo barakacaan sababo la xiriira in dad aanay u tureen oo danahooda gaarka ah eeganaya ay xabbad ku dul billaabaan waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Mr Biixi  hoosta ka xariiqay Muuse Biix Cabdi in Somaliland ay diyaar u tahay wada- hadal, isla-markaana ay ku baaqeyso nabad iyo xabad joojin ka dhaqan gasha gobolada Sool iyo sanaag.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli dhawaan isaga iyo taliyihiisa ciidamadu ay ku hanjabeen duullaan ka dhan ah gobolada Sool iyo Sanaag SSC islamarkaana labadii maalmood ee u danbaysay dagaallo iyo duqaymo ba’an ku qaadeen Laascaanood.

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha