Dhuusmareeb (ONKOD) Magaalada Dhuusmareeb ee gobolka galgaduud waxaa ka soconaya shirar kala duwan oo ujeedkoodu uu yahay in la qaado howlgal ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab .
Inta badan kulamadaas waxaa ku lug leh Madaxwaynaha Dowladda Federaalka oo ku sugan degmada Dhuusmareeb , ee Galmudug.
Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah Soomaaliya oo culays uu ka haysto dagaal lagu qaado Ceelbuur ayaa wada dadaalo uu ku qanciyo beesha degta degmadaas.
Dhawr kulan ayaa ku dhamaaday , is faham waa oo waxa madaxwaynaha laga codsaday in dagaalka ay hoggaamiyaan beesha degta Ceelbuur oo ay ku xoogan yihiin kooxda Al- Shabaab.
Villa Soomaaliya waxaa la soo saaray qoraal lagu sheegay in Madaxwaynaha uu la kulmay Odayaasha dhaqanka beesha degta deegaanada Al- Shabaab ay maamulaan hase ahaatee goobta kama aysan muuqan Odayaasha .
Guud ahaan waxa goobta fadhiyay dhallinyaro iyo dad iska caadi ah taas oo shaki badan galisay dad badan oo ay u arkaan in Odayaashii loo baahnaa in ay ka qayb galaan ay iska diideen maadama kulamo hore natiijo soo bixi wayday.
Arrimahan ayaa la aamisan yahay in ay muujinayso sida beelaha qaar ay uga goys adeegayaan , in beel kuwooda ahayn hubka gacanta loo galiyo taas bedelkeeda loo baahan yahay in ay horkacaan howlgalada.