Najmo Cabdullahi Maxamed, oo lagu dilay bartamaha Magaalada Hargeysa

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Allaha u naxariistee waxaa xalay bartamaha magaalada Hargeysa lagu toogtay Najmo Cabdullahi Maxamed, xilli ay ku socdaaleysay bartamaha magaaladaas oo xarun u ah Somaliland.

Najmo, oo wadatay gaari nooca raaxada ah, ayaa iyadoo mareysa agagaarka maxkamadaha waxaa rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada Somaliland, kaas oo isku dayay inuu baxsado, balse waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ka agdhowaa halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Meydka Najmo, la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso magaaladaasi.

Marxuumadda ayaa aheyd gabar dhallinyaro ah, kana tirsanayd shaqaalaha wasaaradda beeraha ee xukuumadda Somaliland.

Dilkan ayaa waxaa sidoo kale si weyn uga carooday dadweynaha ku dhaqan Hargeysa, waxaana ururada bulshada rayidka, ah ay Somaliland ku eedeeyeen inaysan tixgelin xuquuqda aadanaha.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha Ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba, dhacdadan ma aha mid ugub ku ah, Somaliland, waxaana dhowr jeer magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi ka dhacay dilal ay geysteen askar ka tirsan Booliska Somaliland, kuwaas oo qaarkood la xiray, kuwa kalena lagu ridday xukuno adag.

Cadullaahi Maxamed Cali, oo ah Najma aabbaheed oo ayaa BBC-da u sheegay ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu dhacay dilka gabadhiisa. Wuxuu sheegay in iyada oo saaran gaari uu askarigu xabbad madaxa uga dhuftay.

“Waxaa u yimid gaari alaab u siday oo waddada ku siinayay kaddib ninkan ayaa guriga kaga soo baxay oo xaafadaha ka soo horjeeda ah. Wuxuu ku yiri ‘ka dhaqaaq meesha’ sida la igu yiri, deetana wuu dhaafay oo waxay ku tiri ‘gaariga baan alaab kale ka qaadanayaa’,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Wuxuu intaa ku daray in inanta iyo walaalaheed ay ka soo noqdeen guriga habaryarteed oo ay ku soo wada ciideysteen. Sida uu tilmaamay, soo-noqoshadooda qoyska wuxuu isu qeybiyay labo; koox waxay soo raacday taksi, kooxda kalena Najma ayaa soo qaadaysay.

Cabdullaahi ayaa mar aan waydiinnay waxa ka jira in gabadhiisa loo dilay hiillo wuxuu yiri: “Waxa uu u dilay hiillo uu walaashii u hiillinayo kaddib markii ay gabadheyda dagaallameen.”

Cabdullaahi ayaa sheegay in uu doonayo in sharciga la waafajiyo oo tallaabo laga qaado ninka dilka geystay.

Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay oo laga duubay Najma aabbaheed oo careysan ayay dad badan ka fal celiyeen.

Dhinaca kale, Cabdullaahi ayaa sheegay in walaalkeed oo la socdayna uu xabbad dul mariyay, balse haatan gacanta lagu hayo ‘gacan ku-dhiiglaha’ iyadoo laga soo qabtay dhinaca Dab-damiska.

Aabaha dhalay Najma Cabdullahi Maxamed
Aabaha dhalay Najma Cabdullahi Maxamed

 

Related Articles

News In English

Fikradaha