Natiijada Horudhaca doorashada Kenya

|

Nairobi (Onkod Radio)— Natiijada horudhaca ah ee doorasha madaxweynaha dalka Kenya ayaa muujisay loolan adag oo u dhexeeyay labada musharrax ee ugu waaweyn ee ku loolamaya xilka madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Uhuru Kenyatta.

Doorashadii Taladiidii ayaa tijaabo muhiim ah u ah xassiloonida dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika kadib markii labo ka mid ah saddexdii doorasho ee ugu dambeysay ay hareeyeen rabshado markii lagu murmay eedeymo musuqmaasuq.

Natiijooyin horudhac ah uu diyaariyay Telefishinka gaarka loo leeyahay ee Citizen subaxnimadii hore ee saaka oo Arbaco ah ayaa muujinayay in labada musharrax ee ugu cadcad doorashada ee madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ay aad iskugu dhow yihiin codadka ilaa hadda la tiriyay oo gaaraya 1.2 milyan oo cod, taasoo ka dhigeysa in ka badan 49% uu midkiiba helay.

Musharaxa ku guuleysta doorashada waa inuu helaa 50% oo lagu daray hal cod (50%+1).

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC, ayaa soo bandhigay sawirada in ka badan 90% foomamka natiijada doorashada, kuwaas oo laga soo qaaday 46,663 goob codbixineed.

Guddiga ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in 60% ka mid ah 22.1 milyan oo codbixiyeyaal ah oo is-diiwaangeliyay ay codkooda dhiibteen.

Related Articles

News In English

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

USAID announces $1.5 M to respond to the impact of the drought on Somali children’s education

Mogadishu (Onkod Radio) — USAID has announced that it will provide $1.5 for the Somali children's education programs as the drought had forced thousands...

SJS and SOMA condemn Somaliland’s suspension on independent TV

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the suspension against the privately-owned independent CBA television...

Somalia: UN’s top humanitarian forum warns of ‘tipping point’ as famine risk rises

New York (Onkod Radio) — New York: The world is lurching from crisis to crisis, trapped in a cycle of firefighting and unable to...

With $700 million in assistance, U.S calls recognition for Somalia efforts to tackle deepening crisis

New York (Onkod Radio) — Following the United Nations Security Council meeting on Somalia on Wednesday, the United States said it was committed to...

Fikradaha

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...