Olole muddo kordhin loogu sameenayo MD Deni oo socda iyo buuq taagan

|

Garoowe (ONKOD) Warar hoose ayaa sheegaya in ay sii kordhayaan tirada xildhibaannada Puntland ee u ololaynaya in mudda kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda.

Xildhibaannada ka tirsan xisbiga Kaah ee xukuumadda Siciid Deni ayaa sida la xaqiijinayo muddooyinkii danbe Baarlamaanka ka dhex waday ololaha mudda kordhinta dowladda.
Mudanayaasha ku biiraya ololahan ayaa marba marka ka danbaysa sii kordhaya kadib markii sida la sheegay loo sameeyay ballan-qaadyo kala duwan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhawaan la diyaarin doono mooshin lagu ansixinayo mudda kordhin laba sano ah oo dowladda loo sameeyo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la rumaysan yahay in uu gadaal ka taagan yahay arrintan inkastoo uu hore u sheegay in doorashada lagu qabanayo wakhtigeeda.
Source : Puntland Post

Related Articles

News In English

Fikradaha