PUNTLAND : ‘’Amniga –caasimadda Garoowe waa uu wanaagsan yahay ‘’

|

Garoowe (ONKOD)  ka dib markii soo baxay , war ku saabsan  in dad badan ay isaga cararayaan , xaafadaha magaalada  Garoowe ayaa arintaas waxaa war ka soo saaray Taliska ciidanka booliska Puntland.

Warka ka soo baxay , Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in amniga caasimada Puntland uu wanaagsan yahay isla markaana aysan  jirin wararka ku saabsan in amniga uu faraha ka baxay.

Taliska dadweynaha Garoowe ku wargeliyay in aysan dhegaysan been-abuurka ay faafinayaan shakhsiyaad ay ku tilmaameen cadowga Puntland.

“Garowe waa amni heshiishkii xabad-joojinta ayaa hirgalay wax kale ma jiraan ciidamo is agfadhiyana ma jiraan ee yaanan la qixin bulshada nabada ah,” ayuu yiri qoraalka Hay’adaha amniga Puntland.

Saacadihii la  soo dhaafay magaalada Garoowe waxaa  soo baxayay warar ku saabsan in amniga faraha uu ka sii baxayo , taas oo keentay in Taliska uu war ka soo saaro xaaladda amniga .

Dagaalkii doraad ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 ruux halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha