PUNTLAND oo dib u heshiisiin u samaynaysa beelo ku dagaalamay Mudug

|

Gaalkacyo (ONKOD ) Masuuliyiin ka  tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa dadaal   ugu jira sidii loo xalin lahaa laba beelo oo walaala ah kuwaas oo in muddo ah u dhaxeeyay khilaaf sababay gacan ka hadal iskuna bedelo gacan ka hadal.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug  ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa safar  iyo masuuliyiin kale ayaa lagu soo waramayaa in ay u  tagaan oo kulamo ay la qaadanayaan hoggaamiyaasha qaar ka mid ah beelaha dirirtu ay u dhaxeyso.

Xubnahan oo hadda ku sugan deegaanka Degaanka Bali-busle ee Gobolka Mudug oo dagaaladan xoogiisa ay ka dhaceen ayaa ah halka ay ka socdaan shirarkan oo ah kuwo lagu dhameynayo xiisada halkaas ka taagan.

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ugu baaday dhinacyada in ay joojiyaan dagaalka wax kastana ay ku bedelaan wada- hadal halkii qori caradiis la iskula carari lahaa.

Odayaasha ayaa dhankooda waxa ay sheegeen in diyaar ay u yihiin in ay ka qayb qaataan nabadda deefaanka Bali Busle ee gobolka Mudug halkaas oo beelaha ay aad ugu dagaalameen.

Degaannada iyo degmooyinka Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku batay dilalka aanooyinka qabiilka ah iyo dagaal Beeleedyada.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha