Gaalkacyo ( ONKOD ) Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa lagu qabtay shir looga hadlayay amniga deegaanada maamulka Puntland.
Shirka waxaa guddoominayay Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali kaas oo sheegay in muhiim ay tahay in laga shaqeeyo amniga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in ay jiraan odayaal la wada shaqayn la leh kooxda Maleeshiyaadka Al- Shabaab kuwaa soo uu sheegay in ay ku sugan yihiin magaalada Gaalkacyo.
Intaas waxa uu warkiisa ku daray Guddoomiyaha in Odayaashaas ay ka qayb qaadanayan iska hor keenista beelaha walaalaha ah ee wada degan deegaanada gobolka Mudug.
Waxase uu xusay Guddoomiye Faysal Sheekh Cali in Odayaashaas ku sugan magaalada Gaalkacyo talaabo ay ka qaadi doonaan isla markaana sharciga ay waafajin doonaan.
Hadalkan kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa kusoo aadaya xilli bilihii la soo dhaafay colaad Beeleedyo ay ka dhacayeen degaano katirsan Gobolka Mudug.