Puntland : Xarfo ciidan gadoodsan oo xirtay waddooyinka muhiimka ah

|

Garoowe (ONKOD ) sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno degmada Xarfo ee Puntland ciidan gadoodsan ayaa xirtay waddooyin muhiim ah oo degmada ah.

Dadka degmada ayaa sheegaya  in talabadan saamayn ay ku yeelatay dadka deegaanka , kuwaas oo cabsi dareemay maadama xaaladahan sidan oo kale ah nolosha dadka ay saamayn ku yeelan karto.

Ciidamada oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa gebi ahaanba la wareegay kastamka Xarfo halkaas oo ay weli gacanta ku hayaan.

Ciidanka gadoodsan ayaa xannibay dhaq dhaqaaqa isu socodka gaadiidka ee laamiga dheer sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada gadoodsan ayaa dalbanaya in la siiyo mushaar iyo xuquuq kaga maqan dowladda si ay u banneeyaan kastamka

Wali ma jirto wax war ah  oo ka soo baxay saraakiisha maamul goboleedka Puntland ee la xiriira xaaladaha ku soo kordhay degmadaas oo sababtay in ay xirmaan waddooyinka qaar.

Maalmihii la soo dhaafay deegaano badan oo Puntland ah ayaa sidan oo kale waxaa ka jiray gadood ay samaynayaan ciidanka kuwaas oo tabaya sida ay sheegaan  helid la’aanta mushaarkooda.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha