Qarax Khasaare geeystay iyo Dagaallo ka dhacay Afgooye

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhaliyey khasaare, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan degmada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee guriga guddoomiye ku xigeenkii hore amniga degmada Afgooye Xuseen Jibriil, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uulka la weeraray uu soo gaaray dhaawac, isaga iyo wiil dhallinyaro ah oo la socday, xilliga uu dhacayay qaraxa.

Sidoo kale waxaa goobta ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, mana jiro wax faah faahin ah oo ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo xalay dagaal culus uu ka dhacay degmada Afgooye, kaddib weerar ay ku soo qaadeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaas ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka oo aan la xiriirnay.

Afgooye, oo hoostagta Koonfur Galbeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro ay kusoo qaado kooxda Al-Shabaab oo ku xooggan gobolka Shabeelaha Hoose.

Related Articles

News In English

Fikradaha