Qof isa – soo miidaamiyay oo isku qarxiyay meel u dhaw Villa Somalia

|

Muqdisho (ONKOD )  Goob aad loo ilaaliyo oo ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu qarxiyay qof isa- soo miidaamiyay.

Waxa  uu ka dhacay maxaaqi  lagu magacaabo Blue Sky oo ku taala meel laga galo  Xarunta Villa Somalia waxaana maqaaxida fadhiista ciidanka dowlada , shaqaalaha Dowladda iyo dad kale.

Dowladda ayaa aad u ilaalisa halka uu qaraxan  caawa ka dhacay waxaana ku sugan  ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dad dhintay iyo kuwa dhaawac ah ayaa laga saaray maxaaqidan oo  ku  taala degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho

Sanadkii 2020- ka ayaa sidan oo kale waxa ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo sidan oo kale ah kaas oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Related Articles

News In English

Fikradaha