Qoraal uu Abiy Axmed uu soo dhigay Twitter-ka oo dood ka dhex-abuuray Soomaalida

|

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal Af-Soomaali ah oo macno weyn sameynaya, kaasi oo hadal hayn badan ka dhex-abuuray Soomaalida.

Qoraalkaas oo la socday sawirka Abiy Ahmed oo ay dhinacyada ka fadhiyaan Xasan Sheekh iyo Farmaajo xafladdii caleemo-saarka ee shalay dhacday ,ayuu Abiy ku yiri “Waxaan u rajaynayaa Shacabka Soomaaliya nabad waarta iyo barwaaqo!”

Arrinta hadal haynta abuurtay ayaa ah in Abiy Ahmed aanu dhihin “Shacabka Soomaaliyeed” ee uu doortay “Shacabka Soomaaliya.”

Sababta uu sidaas u doortay ayaa lagu macneeyey in haddii uu qaadan lahaa “Shacabka Soomaaliyeed” ay soo geli lahaayeen kuwa ku nool Itoobiya ee degan dhulka Soomaalida ee ay Ethiopia haysato, sidaas darteedna uu doortay “Shacabka Soomaaliya”, isaga oo diraya farriin ah in Xasan Sheekh uu madaxweyne u yahay kaliya kuwaas.

Maxamuud Axmed oo ka mid ah dadkii ka falceliyey ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed, haddii uu dhaho Jigjiga ayuu Xamar hoos gaynayaa, taas ayuu marka diidan yahay.”

“Shacabka Soomaaliya” waa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Jamhuuriyadda (labada gobol ee midoobay 1960-kii), balse “Shacabka Soomaaliyeed” waa Soomaalida oo idil oo ay ku jiraan kuwa ku nool Kililka 5-aad, NFD, Djibouti iyo dunida inteeda kale,” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamuud oo isna ka mid ah dadkii arrintan ka falceliyey.

Waxaa iyagana jiray dad u arkay in laga yaabo inay ka khaldantay hab qoraalka ee uu ka rabay “Shacabka Soomaaliyeed,” inkasta oo dadka badankiisa ay isku racaeen in arrintan ay aheyd ku talo-gal.

Soomaalida qaar ee ka falceliyey qoraalka Abiy ayaa sheegay inay astaan u tahay “In Itoobiyaanka aysan xitaa ka hoos bixin faah-faahinada yar ee laga yaabo inay Soomaalid au aragto inaysan macno badan sameyneyn.”

Related Articles

News In English

Fikradaha