Qoyska jilaaga caanka ah ee Shah Rukh Khan oo la shaaciyay arrin ay ku farxeen

|

Hindiya (Onkod Radio) — Hay’adda la dagaalanka maandooriyaha ee dalka Hindiya ayaa wax dambi ah ku waysay wiil uu dhalay jilaaga wayn ee Bollywoodka ee Shah Rukh Khan.

Aryan Khan, oo 24 jir ah, ayaa la xiray bishii October 2021 isagoo lagu eedeeyay in uu sitay daroogo xilli uu xaflad ku sugnaa.

Aryan waxaa xiray Xafiiska Xakamaynta Maandooriyaha ee (NCB) iyadoo loo cuskaday sharciyada la xiriira haysashada, isticmaalka iyo iibinta daroogooyinka sharci darrada ah.

Jimcihii, ayay hay’adu ku waysay dhammaan eedeymihii loo haystay , iyaga oo yiri”wax daroogo ah lagama helin gacanta Aryan Khan.”

Jimcihii, wakaaladda waxay soo bandhigtay warqadda dacwadda oo ay ku qoran yihiin magacyada 14 eedaysane. Magacyada lix qof oo uu ku jiro Aryan, laguma darin liiska “iyadoo la sheegay in ana al hayn caddayn ku filan”.

Aryan Khan, oo ah 23 jir ah oo ah wiilka uu dhalay xiddigga Bollywood-ka Shah Rukh Khan, ayaa la xiray 2 bishii October, 2021 kadib markii lagu eedeeyay in uu sitay daroogo xilli uu ku sugnaa goob xaflad ah.

Aryan Khan ayaa markii uu xabsiga ku jiray laba toddobaad lagu siidaayay damaanad islamarkana tan iyo xilligaasi waxaa socday dacwadiisa.

Kiiska Daroogada

Khan ayaa laga soo dejiyay markab dalxiis oo ka yimid Mumbai oo ah magaalada ay qoyskiisu ku nool yihiin – waxaa uuna xilligaas ku sii jeeday goobta loo dalxiis tego ee lagu magacaabo Goa.

Xafiiska Xakamaynta Maandooriyaha (NCB), oo xiray isaga iyo dhowr qof oo kale , ayaa sheegay in lagu xiray arimo “la xiriira , isticmaalka iyo iibinta waxyaabo sharci darrada ah”.

Falanqeeyayaasha ayaa xilligaasi sheegay, iyada oo ku saleysan waraaqaha qabashada Khan, in arrinta eedda daroogada ay u badan tahay in cadeymaha loo hayo ay tahay aad u yar oo aysan jirin sabab lagu sii hayo xabsiga.

Qareenkiisa Satish Manshinde ayaa si adag u beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay intii ay maxkamadu socotay.

Qaabkii ay warbaahinta u tabiyeen

2-dii bishii October, ee sanadkii 2021 qaar ka mid ah telefishinnada ayaa tebinayay dhibaatada qoyska Khan. Waxaa la sawiray oo la duubay isaga oo ay booliisku wadaan gudaha iyo bannaanka dhismayaasha.

Waxaa sidoo kale xilligaasi sawirada wiilka Mr. Khan aad loogu baahiyay baraha buslahad halka ay dad badan iskula wadaageen WhatsApp.

Xiritaanka Khan ayaa mid ka mid ah wariyaasha waxaa uu ku tilmaamay inuu ahaa “bur -bur weyn oo ka dhacay xaflad rave”, halka mid kale uu dalbaday in la joojiyo “xiriirka ka dhexeeya Bollywood iyo daroogada”.

Xrigga wiilka u dhalay xiddiga xiddigga a Bollywood-ka Shah Rukh Khan ayaa ahaa midka ugu sareeya wararka dalkaasi Hindiya.

BBC SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha