Qurbojoog lagu dilay Muqdisho- Boolisku maxaa talaaba ah ay qaadeen ?

|

Muqdisho (ONKOD ) waxa magaalada Muqdisho lagu toogtay Ibraahim Iman oo loo yaqaan (Dibad), oo ka mid ahaa qurba joogta ka yimid dalka dibadiisa

Dilkan muwaadinka waxa ka daneeyay koox hubaysan kuwaa soo beegsaday marxuunka isaga oo ku sugnaa banaanka gurigiisa oo ku yaala degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafada Gubta ee degmada Dayniile waxaana la sheegay in ay beegsadeen koox hubaysan oo aan la aqoon haybtooda.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, ciidamada oo halkaasi ka sameeyay baaritaanno kooban ayaan ku guuleysan in ay soo qabtaan kooxdii dilka geesatay oo la sheegay in ay mooto ku baxsadeen.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in isaga iyo carruurtiisa kasoo guureen dalka Ingiriiska oo ay degnaayeen, waxaana la sheegay in marxuumka ahaa aqoonyahan jaamacad uga baxay dalka Ingiriiska uu kunoolaa.

Ciidanka amniga degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa baaritaan ka sameeyay xaafada Gubta  kuwaas oo ilaa iyo hadda cidna aysan u soo qaban dilka marxuunkan

Ilaa hadda  ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan, laamaha ammaanka ayaana dhankooda ka hadlin dilkan xalay ka dhacay degmada Dayniile.

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha