Rooble oo madaxweyne Xasan u jeediyay fulinta arrin uu ku fashilmay Farmaajo

|

Muqdisho Onkod Radio ) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo ka qeyb-galay munaasabad lagu abaal-marinayay guddiyadii iyo howl-wadeennadii doorashada ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, u jeediyay in uu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa sidoo kale waxa uu ka digay in markale dalka dib loogu celiyo doorashadii dadbaneyd ee dhibka badan iyo caqabadaha horta leh uu kasoo maray.

“Madaxweyne Xasan waxaa ka sugeyna doorasho qof iyo cod ah oo aan dib loogu noqon dhibkii lasoo maray ee ahaa doorasho dadban, waxaa Ilaahay ka baryaya in uu dib noogu soo celin doorasho dadban,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale waxa uu shacabka Soomaaliyeed usoo jeediyay inay joogteeyan ducada madaxda Qaranka ay la garab taagan yihiin si dalkeena ugu horseedan horumar iyo xasilooni amni.

“Ilaahay SWT ayaa mahad iska leh, oo duruuf kasta oo adag nasoo dhaafay, haddii aan Alle u mahad-celin dhamaanteen meesha aan maanta gaarnay iyo meesha u socono ma gaari doono, Ilaahay waxaa leeyahay mahadsanid dhibka aad naga saartay.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in xilligaan xaaladda guud ee dalka ay deggan tahay hadday dhan siyaasadeed iyo amni ay tahay, isaga oo madaxweynaha cusub uga baryaya Alle in uu xilka u fududeeyo.

“Madaxda dalka howsheenni ayay wadaan oo waxay gacanta ku hayaan hantideeni, amnigeena iyo siyaasaddeeni marka haddii aan loo duceyn iyaga wey rafaadayan annagana waa khasaarayna, markaas aan u duceyno.”

Related Articles

News In English

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Somalia faces climate emergency and famine as fourth rainy season fails

Mogadishu (Onkod Radio) – An unprecedented fourth failed rainy season with catastrophic hunger, disease and displacement has forced Somalia into a climate crisis, the...

SMSJ: Attacks against Somali journalists and media and impunity for these crimes must end

Mogadishu (Onkod Radio) – Somalia 24 June, 2022 – The Somali Mechanism for the Safety of Journalists (SMSJ), a network coalition of seven journalists’ unions and...

Sheikh Shakhbout bin Nahyan receives Somalia’s president at Abu Dhabi airport

Mogadishu (Onkod Radio) – Sheikh Shakhbout bin Nahyan, Minister of State, on Sunday received Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud at the Abu Dhabi Presidential...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...