Roobow oo walalkiisa umagacaabay Xoghayaha guddiga arrimaha Xajka

|

Muqdisho (ONKOD)  Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magacaabay guddigga qabanaya tartanka adeegga Xajka ee sannadka soo socda 1445/2024.

Sidoo kale, Wareegto uu soo saaray Sheekh Abuu Mansuur ayuu ku magacaabay sagaal xubnood oo noqonaya guddiga tartanka adeegga xajka, waxaana xubnahan ku jira kuwa horey uga tirsanaa guddigii hore ee lakala diray.

Dhanka kale, Xubnaha cusub uu magacaabay wasiir Roobow waxaa ku jira nin la dhashay asaga, kaa oo lagu magacaabo Ibraahin Roobow Cali, ninkan oo laga dhigay xoghayaha guddiga ayaa sidoo kale horey uga tirsanaa guddigii hore ee adeega xajka.

Guddigan uu wasiir Abuu Mansuur magacaabay ayaa ka shaqeyn doona tartan lagu kala saarayo shirkadaha , wakaaladaha iyo xamlooyinka tartamaya, waxa ayna soo saari doonana shirkadaha ku guuleesta u adeegida xujeyda sannadka dambe.

Related Articles

News In English

Fikradaha