Saldhig ku yaala Muqdisho oo AS maxaabiis ay kala baxeen

|

Muqdisho (ONKOD) Warar ay dusiyeen xubno ka mid ah NISA – oo ka howlgala degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saldhiga degmada Kooxda Al- Shabaab ay kala baxeen maxabiis

Maxaabiistan oo ay ku jireen saraakiil muhiim ah ayay kooxda la baxday weerarkii dhawaan ay ku qaadeen saldhiga degmada Kaxda halkaas oo xubnahan ay ku xirnayeen.

Warkan oo maalmahan uun aad u soo xoogaystay ayay wararku ay sheegayaan in weerarkaas ujeedkiisu ahaa in keliya kooxda Al- Shabaab ay furato maxaabiista kaga xirnayd degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Dowladda ,ma aysan soo hadal qaadan talaabada kooxda Al- Shabaab  ay u furteen maxaabiista kaga xirnayda saldhiga degmada Kaxda taas bedelkeeda guulo ayay ka sheegatay.

Kooxda Al- Shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxa ay weerar ay ka gaysteen meelo ka mid ah saldhigyada magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa xooga saaraysa , sidii ay wax uga qaban lahayd falalka amni darro ee kooxda Al- Shabaab ay ka gaystaan degmooyinka magaalada Muqdisho.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha