Sawiro, Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qeeybgalay janaasada Cabdullahi Shirwac

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mas’uuliyiin iyo dadweyne ayaa masjidka Isbahaysiga salaadda Janaasada kula tukaday Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo xalay ku geeriyooday Muqdisho. Waxa ay Alle uga baryeen in uu jannadii Firdows ugu deeqo Shirwac oo ka mid ahaa dadkii sida weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta dalka iyo u adeegidda bulshada xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday AUN Cabdullaahi Maxamed Cali Shirwac, Guddoomiyihii hore ee Ururrada Bulshada Rayidka sida Onkod ay u xaqiijiyeen xubno katirsan Qoyska marxuumka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo ka tacsiyeeyey geerida AHUN Marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa dalladda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed, waxa uu ku tilmaamay halyeey qaranka ka baxay.

Maxamed Xuseen Rooble, Wasiirka 1aad ee XFS ayaa sheegay in Marxuum Shirwac waqtiisa uu u huray u adeegidda Dadkiisa iyo Dalkiisa, waxa uu ku sifeeyay shaqsi ku suntan farista wanaagga iyo ka shaqeynta samafalka Bulshada rayidka.

Related Articles

News In English

Fikradaha