Shabaab ku shirayay Ceelbuur oo la sheegay in la duqeeyay + khasaaraha

|

Ceelbuur (ONKOD ) Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in duqeymo xaga cirka ah ay ka fuliyeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaliya ayaa sheegay in duqeymahaas lala eegtay xubno sare oo ka tirsan kooxda Al- Shabaab oo shir uga socday degmada Ceelbuur.

War laga sii daayey warbaahinta DF ayaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah lagu laayey xubno ka tirsan Al-shabaab galabta.

Waxa lagu soo waramayaa in goobta la beegsaday ay ku sugnayeen xubno Al- Shabaab ah kuwaas oo shir uga socday degmada Ceelbuur.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Al-shabaab ay howlgalkaas ku weysay saraakiil uu ku jiray madaxii Maalliyadda ee gobolka Galgaduud oo lagu magacaabi jirey  Sahal.

Howlgalkan  ayaa la sheegay in lagu dilay 27 xubnood oo Al-shabaab ah  oo kun sugnaa sadax xarumood oo ku yaala deegaanada Miliqo iyo Baalal dheer oo ka tirsan Galmudug.

Deegaanno ka tirsan Galmudug waxaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka socday  howlgallada ka dhanka ah Al-shabaabka  ku sugan deegaanadaas.

Related Articles

News In English

Fikradaha