Sheekh Aadan Madoobe oo shaaciyey sida laga yeelayo kursiga loo diiday FAHAD

|

Muqdisho (Onkod Radio) –  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sida laga yeelayo kursiga HOP#086 ee uu horey ugu soo baxay Fahad Yaasiin, balse la hakiyey.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in kursigan go’aan looga gaari doono kalfadhiga hadda socda ee baarlamaanka Soomaaliya, si loo soo buuxiyo.

“Haddii Ilaah yiraahdo kalfadhigan hadda socdo waa iclaamin doonaa si loo soo buuxiyo arrin dastuuri ah waaye,” ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mar labaad lagu celin doono doorashada kursigan, isla-markaana loo mari doono qaab sharci ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Koley waxaan sameyn doonaa doorasho sharcigeeda dhammeystiran yahay-baa loo iclaamin doonaa, doorasho in lagu celiyo waayey,” ayuu markale yiri Aadan Madoobe.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kursiga uu banneeyey xildhibaan Mahad Salaad oo loo magacaabay hay’adda NISA, wuxuuna sheegay in si dastuuriyan ah uu bannaanaaday, isla-markaana isagana la qaban doono doorashadiisa, si loo buuxiyo xubnimada kursigaasi.

Related Articles

News In English

Fikradaha