Shiinaha oo soo dhoweeyey mowqifka dowladda Soomaaliya ee xiisadda Taiwan

|

Muqdisho (Onkod Radio)— Safaaradda dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa soo dhoweysay mowqifka ay ka qaadatay dowladda Soomaaliya xiisadda ka aloosan Taiwan.

Dowladda Shiinaha, ayaa qoraal ay soo saartey ku bogaadisay warka dowladda Soomaaliya, iyadoo sheegtay in labadda ummadood ee Soomaalida iyo Shiinaha ay leeyihiin xiriir qoto dheer oo soo jireen ah.

Warka qoraalka ee safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in xiriirka labadda dal uu yahay mid ku qotoma is xurmeyn, iyo iskaashi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartey shalay bayaan, ay isku barbar taagtay dowladda Shiinaha, taasoo ay ku sheegtay iney taageersan tahay midnimada dhulka Shiinaha.

Related Articles

News In English

Fikradaha