Shil gaari oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo Muqdisho ka dhacay

|

Shilkaan ayaa ka dhacay isgoyska Jid Maeeexaanka kadib markii gaari nuuciisu yahay Inataree uu soo fariin goostay uuna jiiray baabuur iyo Mootooyin ay saarnaayeen dad shacab ah.

Darawalka ayaa awoodi waayay inuu xakameeyo gaariga maadaama uu san lahayn fariin lagu celiyo.

Dad goob joogayaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in shilkaas ay ku dhimatay Alle ha u naxariistee Najma Cabdicasiis Cilmi oo ka timid Jaamacadda UNISO, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad kale oo kor u dhaafaya illaa toban qofood.

Bashiir Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ayaa sheegay in ay baarayaan waxa sababay shilkaan naxdinta leh.

Cabdullaahi Cali Cabdulle 

Xafiiska Warqabadka Muqdisho

Related Articles

News In English

Fikradaha