Shirar siyaasadeed isbahaysi maamul goboleedyada ah oo ka socda NAIROBI

|

Nairobi ( ONKOD) Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa ku sugan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka kuwaas oo halkaas kulamo is daba jooga ah ka wada.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in kulamadan ay yihiin kuwa ka dhan ah Dowladda  uu hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh oo la sheegayo in ay madaxdu ay u hayaan dhaliilo sida hadda ay wax u socdaan.

Madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka mid ah , Jubaland Axmed Madoobe, Puntland Siciid Deni iyo Koofur Galbeed C/casiis Lafta-gareen

Shirarka horudhaca ah ee  ay yeesheen madaxdan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku lafagureen sidii ay u samaysan lahaayeen madal isbahaysi si ay hal mar u wada duulaan.

Xiriirka Jubbaland iyo Puntland ayaa markii hore ahaa mid aan wanaagsanayn tan iyo markii Xamse Cabdi Bare loo magacaabay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Puntland ay diiday.

Shirarka ugu dhaadheer waxaa wada yeeshay Madaxwayne Siciid Deni iyo Lafta-gareen oo labadooduba wajahaya mucaarado adag oo salka ku haya qabashada doorasho, xili mucaaradkooda ay tuhmayaan in dowladda dhexe ay garab-siineyso.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in wali si  fool ka fool ah aysan isku arkin madaxwaynayaasha Puntland iyo Jubbaland kuwaas oo siyaasad ahaan aad u kala fog.

Arrimahan oo dhan ayaa kusoo aadaya xili madaxweyne Xasan Sheekh uu mudo kudhow 50 cisho ku sugan yahay Dhuusa-mareeb, halkaasoo uu ku wado abaabulka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha