Shirkadda HOIWA OY oo ay aasaastay Gabar asalkeedu Soomaali yahay oo ku guuleysatay abaalmarin caalami ah- magaca shirkadda oo lagu xayeeysiiyay New York Times Square

|

Hoiwa Oy oo ah shirkad ay aasaastay qiyaastii labo sano iyo bar kahor Faduma Ali oo ah Gabar Soomaaliya ka soo jeedda ayaa muddo kooban ku gaartay heer ay weli ku taamayaan shirkado waaweyn oo qaarkood ay dhisnaayeen sannado aad u badan.

Shirkadda HOIWA Oy oo ah shirkad bixisa adeegayda caafimaadka iyo bulshada ayaa ku guuleystay sannadkan 2022 Tartanka fikradaha wax-soo-saarka leh ee horseedka buslahda.

Tartanka Fikradaha wax-soo-saarka leh ayaa waxaa qabanqaabiya Rugta Ganacsiga dhallinyarada ee Finland (JCI Finland), kaas oo shirkaddii ku guuleysata ay abaalmarin ahaan u heleyso in magaceeda lagu soo qoro laguna xayeeysiiyo tusaale ahaan Shaashadda ifeysa ee caanka ah ee New York Times square, iyo in muwaadinka ku guuleysta uu helo fursad uu ku garaaco jalaska (gambaleelka) ama saacadda lagu furo suuqa saamiyadda Nasdaq ee Helsinki.

Sawirka waxaa ka muuqda loogada ama astaanta shirkadda HOIWA oo ku dheggan New York Times square iyo Maamulaha Shirkadda HOIWA Faduma Ali oo garaacaysay saacadda lagu furo suuqa saamiyada ee Nasdaq-Helsinki/Sawirka

 

View this post on Instagram

 

A post shared by Fadumo Ali (@fadumo_baar)

Warka kale oo farxad leh ayaa ah, in Shirkadda HOIWA ay kamid noqotay tobanka shirkadood ee u tartamaya abaalmarinta Ganacsadaha Sannadka – Muxuu yahay tartanka ganacsadaha sannadka ee (Entrepreneur Of The Year)?

Tartanka Ganacsadaha Sannadka (EY Entrepreneur Of The Year) ee ay u tartamayso shirkadda HOIWA sannadkan 2022 ayaa ah tartan ganacsato oo dunida oo dhan ku fiday. Tartankan waxaa Finland laga qabanqaabinayay tan iyo sannadkii 2003. Qofka tartankan ku guuleysta ayaa wuxuu Finland ku metelayaa Tartanka Ganacsadaha sannadka ee Dunida (EY World Entrepreneur Of The Year)

Tartankan oo ay ka qaybgaleen 51 shirkadood oo Finland ka dhisan ayaa waxaa is-reeb-reeb kaddib isugu soo haray 10 shirkadood oo ay HOIWA ku jirto.

Waxaa guuleysatayaasha xulaya xeer-beegti madaxbannaan oo murashixiinta u qiimeynaya hab waafaqsan shuruudda ama kiriteeriyada caalamiga ah. Ganacsadaha tartanka ku guuleysanaya waa in uu noqdaa mid shirkaddiisa ku hoggaamiya tusaale fiican, istiraatijiyada shirkaddiisuna waa in ay noqotaa mid ka duwan istiraatijiyada shirkadaha kale ee la tartamaya.

Guuleystayaasha Ganacsadaha sannadkan (EY Entrepreneur Of The Year) waxaa lagu abaalmarinayaa Xaflad ballaaran oo lagu qabanayo 4.11.2022 Daarta Qadiimiga ah ee Ardayda tacliinta sare (Vanha ylioppilastalo).

Shirkadda HOIWA OY

Shirkadda HOIWA waa shirkad ay qiyaastii labo sano iyo bar kahor aasaastay Faduma Ali. Shikraddan oo ka shaqaysa adeegyada daryeelka caafimaadka iyo bulshada ayaa muddada kooban ee jirtay noqotay shirkad si xawli ah u koreysa. Dakhli sannadeedka shirkadda HOIWA ayaa haatan ah malaayiin doolar.

Faduma Ali, aasaasaha shirkadda HOIWA ayaa nafteedu ah xirfadle sare oo dhanka daryeelka caafimaadka ah. Sida ay khubarada dhaqaaluhu sheegayaan, horumarka baaxadda leh ee Shirkadda HOIWA waxaa sal u ah hoggaanka shirkadda oo aqoon u leh shaqada ay qabanayso.

Shirkadda HOIWA ayaa haatan ku hamminaysa, in ay adeegyadeeda ku baahiso dunida oo dhan iyo in ay sidoo kale ku biirto suuqyada saamiyada ee caalamiga ah.

Shirkadda HOIWA ayaa tan iyo markii la aasaasay sidoo kale heleysay aqoonsiyo heer waddan iyo kuwa caalamiga ah waxaana xusid mudan, in aasaasaha shirkadda HOIWA Faduma Ali ay tusaale lagu daydo u noqotay dadka soo-galootiga ah ee Finland ku nool gaar ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhashay ama yaraan ku soo galay Finland.

Warbixin aan ku qornay boggan SSMV horraantii sannadkan 2022 ayaan uga hadlay abaalmarinta ganacsadaha sannadka ee magaalada Espoo oo Faduma Ali la guddoonsiiyay.

Guulaha isdaba-joogga ah iyo horumarka la taaban karo ee ay shirkadda HOIWA ee Faduma Ali gaartay ayaa noqday kuwa ay Soomaalida ku dhaqan Finland ku faanto.

 

View this post on Instagram

 

A post shared by Fadumo Ali (@fadumo_baar)

Faduma Ali ayaa dhanka kale billowday olole ay ku dhiirrigelinayso dhallinyarada ku hamminaysa in ay horumar ka sameeyaan nolosha ganacsiga iyo shaqada.

Source: SSMV

Related Articles

News In English

Fikradaha