Soomaaliya oo si buxuda u taageertay Shiinaha kaddib tallaabadii ay qaadday Pelosi

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Dowladda federalaka Soomaaliya ayaa si buuxda u taageertay siyaasadda “Hal China” xilli xiisad xooggan ay ka dhex qaraxday Mareykanka iyo Shiinaha oo ku aadan jasiiradda Taiwan ee sheegata inay ka go’aday Shiinaha. 

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku celineysa taageeradeeda xooggan ee ku aadan qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed, sharafta dhuleed iyo midniamda qaran ee Shiinaha, waxayna ku baaqeysaa in loo hoggaansamo qaraarada QM iyo Midowga Afrika ee quseeya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Waxay intaas ku dartay in dowladda Soomaaliya ay shaaca ka qaadeyso inay ku garab taagan tahay shacabka Shiinaha difaacidda madax-banaanidooda iyo sharaftooda dhuleed, ayna xoojineyso mowqifkeeda ku aaddan “Hal China,” ayada oo u aragta Taiwan qeyb ka mid ah dhulka Shiinaha oo aanu muran ka taagneyn. 

“Soomaaliya waxay xiriir soo jireen ah la leedahay Shiinaha, kaasi oo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah uu ku qeexan yahay siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka dhinacyada faa’iidada u wada ah, taasi oo ay sii dheer tahay ka wadashaqeynta mowqifyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.”

Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa imanaya ayada oo caro xooggan oo dhanka Beijing ah ay ka dhalatay booqashadii ay afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Peolis ay Arbacadii ku tagtay Taiwan.  

Jimcihii, Wasaaradda Arrimaha Shiinaha ayaa cambaareysay booqashada Pelosi kuna qeexday “ficil xun oo daan-daansi ah,” waxayna sheegtay in safarkeeda uu ka dhigan yahay “Faro-gelin toos ah oo lagu sameeyey arrimaha gudaha Shiinaha.” 

Ka sokow safarka Pelosi, Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa wadaaga in laba gobol oo ka kala tirsan labada dal ay yeesheen iskaashi. 

Taiwan oo ka tirsan Shiinaha iyo Somaliland oo ka mid ah Soomaaliya ayaa sanadkii tegay aas-aastay xiriir diblomaasiyadeed, ayada oo safaarado ka kala furtay Hargeysa iyo Taipei, taasi oo ka careysiisay Muqdisho iyo Beijing.

Related Articles

News In English

Fikradaha