Toogasho kale oo dad lagu dilay oo ka dhacday Mareykanka

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Afar ruux ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday isbitaal ku yaalla magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ee dalka Mareykanka, sida ay booliska sheegeen.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay ninka toogashada gaystay, oo ku hubaysnaa qori iyo bastoolad, uu isaga qudhiisa geeriyooday.

Taliye ku xigeenka booliska, Eric Dalgleish, oo ka hadlayay shir jaraa’id, ayaa yiri: “Waqti xaadirkan, afar qof oo rayid ah ayaa naga dhintay, hal nin oo toogashada gaystayna wuu dhintay.”

Wali lama shaacinin aqoonsiga qofka falkaas gaystay oo la rumaysan yahay inuu isaga qudhiisa isdilay.

Sidoo kale, wax faahfaahin ah lagama hayo sababta horseedday falkan.

BBC SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha