Turkiga oo Sweden u gudbiyay shuruudo ay ka mid tahay in loo gacan geliyo muwaadiniin haysta dhalashada Sweden

|

Muqdisho  (Onkod Radio) — Dawladda Turkiga ayaa ku celisay shuruudo adag oo ay ku xirtay inay ogolaato in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO. Xukumadda Ankara ayaa doonaysa in Stockholm ay u soo gacan geliso weriyayaal, xubno siyaasiyiin ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Kurdiyiinta, kuwaas oo ay dowladdu ku eedaynayso inay taageersanyihiin Jabhadda Kurdiyiinta oo uu Turkigu u arko koox argagixiso ah.

Dadka uu Turkigu doonayo in loo soo gacan geliyo waxaa ka mid ah, Amineh Kakabaveh, oo xubin ka ah baarlamanka Sweden. Haddaba Weriyaha VOA Maxamed Cabdiraxmaan Bashiir ayaa arrimahaas ka waraystay Axmed Kaboole oo wax ku bartay Machadka Difaaca ee Sweden, horeyna u soo noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Stockholm.

Related Articles

News In English

Fikradaha