Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Israa’iil iyo Falastiin

|

Gaza (Raxanreeb)  Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeymo aan loo meel dayin wali kafulinaya marinka Gaza iyo meelo kale oo katirsan dhulka Falastiin, iyadoo duqeymaha intooda badan loo adeegsaday guryaha dadka Shacabka e daganyihiin.

Sidoo kale, Israa’iil ayaa wali wada duqeymo aargoosi waxeyna hub aad u culus u garaacayaan marinka Gaza halkaas oo ay dad badan oo shacab ah kudhinteen.

Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa kudhawaaqday in tirada dhimashada iyo dhaawacyada ee kadhalanaaya duqeymaha aan loo meel dayin ee Israa’iil kawado dhulka Falastiin.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxa ay tirada dhimashada Falastiin kusheegtay 950 halka dhaawacyadana ey intaas kabadan yihiin laguna daweynaayo goobaha caafimaadka.

Dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israel oo bilowday Sabtidii ayaa galaaftay nolosha dad ka badan labo kun oo qof, waxaana Israel weerarka looga dilay dad ka badan 1,200 qof, halka dhinaca Falastiin ay kun qof ku dhaw yihiin.

Related Articles

News In English

Fikradaha