WARBIXIN | Abaabul siyaasadeedka Sheekh Shariif ee ka dhanka ah Xasan Sheekh

|

Muqdisho (ONKOD ) Madaxwaynihii hore ee Dowladii KMG ahn mudane ka tirsan Golaha shacabka ee Barlamaanka Shariiif Sheekh Axmed tan iyo markii uu ku soo laabtay dalka waxa uu waday kulamo siyaasadeed.

Inta badan kulamadan ayaa salka ku hayay xaaladda dalka uu ku jiro iyo waxa iska bedelay shaqada Dowladnimada tan iyo markii xilka markale loo doortay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Markii hore kulama shariif ee magaalada Muqdisho waxa ay ku bilowdeen si tartiib ah waxase hadda muuqanaysa in kulamadan ay noqdeen kuwo sii xoogaysanaysa.

In ka badan 50 mudane kulan ay ka qaybgaleen ayaa ka dhacay guriga shariif Sheekh Axmed uu ka degan yahay magaalada Muqdisho , kaas oo ay ka soo baxayaan xogo kala duwan.

Xogta ilaa iyo hadda la hayo ayaa sheegaya in Shariif uu doonayo in magaalada Muqdisho uu ka abaabulo siyaasiin iyo xildhibaan kuwaas damacana uu yahay sidii loo naqdin lahaa Dowladda hadda jirta.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan u yeeray , Madaxwaynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo uu kala – hadlay xaaladda dalka , kulankaas oo qayb ka ahaa tala galin saamilayda siyaasadeed ee ka qayb qaatay ridistii Madaxwayne Farmaajo.

Gudaha dalka waxaa la filayaa in dhawaan ay so gaaraan xubno kale oo siyaasiin ah oo tun adag kuwaas oo qayb ka ah kulamada siyaasadeed ee dalka uu ka wado Shariif Sheekh Axmed oo Barlamaankana xubin ka ah.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ayaa u muuqata in ay wajahaysa culays xagga siyaasadda ah oo ay kala kulmayso , siyaasiin badan oo uu ka mid yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

WD Hanad Ali Guled

Tafaftiraha ONKOD

Related Articles

News In English

Fikradaha