WARKOOBAN : Muqdisho oo shir uu soo qaban qaabiyay Xasan Sheekh ka dhacaya

|

Muqdisho (ONKOD ) Maanta oo  Arbaca ah waxa magaalada Muqdisho ka furmaya shir uu ku baaqay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud .

Wax aka qayb galaya shirkan madaxdii hore ee dalka soo maray  kuwaas oo inta badan soo gaaray magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa diirada lagu saarayaa , qodobo ka mid ah shirkii Golaha wadatashiga Qaran kaas oo laga soo saray qodobo xasaasi ah oo taabanaya mustaqbalka dalka.

Goor sii horeysay waxa magaalada Muqdisho ka dhacay shir horudhac ah oo ay ka qayb galeen inta badan xubniii  lagu casuumay shirka.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore.

Shirka ayaa waxaa ka maqan madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka cudur daartay ka qeyb-galka shirka.

 

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha