Wasiir Doodishe oo ka hor yimid faragalinta Xamse ee Gedo

|

Muqdisho (ONKOD ) Wasiirka amniga  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo deegaan ahaana ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa ka biyo diiday maamulka  uu riixayo Axmed Madoobe ee gobolka Gedo.

Wasiir Axmed Sheikh Cali [Doodishe] ayaa sheegay in magacaabista maamulka cusub ee Gedo ee dhanka Axmed Madoobe  xiisad  ay ka dhalisay gobolka Gedo ilaa iyo hadda-na ay taagan tahay.

Doodishe ayaa sheegay in haddii loo baahan yahay in xal laga gaaro khilaafka gobolka Gedo ay tahay in laga shaqeeyo in xafiiska uu baneeyo Axmed Madoobe oo muddo dheer jooga xafiiska.

“Gobolka Gedo waa lagu diriray, waxaa loogu dirirayna waa Doorasho sababteed; sidii 2019-kii uu bannaanka u taagnaa ayuu bannaanka u tagnaanayaa illaa doorasho intay dhacdo Axmed Madoobe uu meesha ka tago, laakiin intaan dadkii u tago oran maayo maxaad rabtaan, waanba ogahay waxa ay rabaan, waxa ay rabaana waa waxa anigu rabo” ayuu yiri Wasiir Doodisho.

Degmooyinka gobolka Gedo waxaa ka taagan xiisada ka dhalatay magacaabista Guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo , taas oo keentay in xitaa caqabad uu ku yimaado duulimaadka diyaaradaha.

Arrintan ayaa sii adkeeneyso xalinta xiisada gobolkaasi, maadaama xubnaha xukuumada ay dhankooda la safteen gadoodka reer Gedo, waxaana la ogeyn halka ay sal dhigan doonto xiisada gobolkaasi

Related Articles

News In English

Fikradaha