Wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiijo Diiriye ayaa beenisay hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa beenisay hadal kasoo yeeray Ergayga gargaarka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan, ayaa sheegay gargaar ka yimid dowladda Qatar, in lagu xannibay Madaarka Muqdisho sababtuna uusan garaneeyn.

Khadiija Diiriye, ayaa sheegtay in sahayda dowladda Qatar, loo rarayo dowlad goboleedyada ayadoona maanta ay gaareyso dowlad goboleedka Galmudug.

Related Articles

News In English

Fikradaha