XOG – Khaatumo ma doonayso in xildhibaano u dirto Puntland.

|

Laascanood (ONKOD )  Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa maalmahan ka socday , shirar kala duwan oo u dhaxeeyay isimimada Khaatumo iyo xubnaha  hoggaanka maamulkaas.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlayay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda deegaanka iyo sida la yeelayo xildhibaanada Golaha wakiilkada Puntland oo ka soo gali jiray deegaano ka mid ah Sool iyo Sanaag.

Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta SSC ugu danbayntii go’aansadeen in aysan wax xildhibaanno ah u dirsan doorashada Puntland si looga baaqsado khilaaf ka dhasha arrintaasi.

Dood adag ayaa ka taagan sida laga yeelayo xulista 17-ka xildhibaan ee Baarlamanka Puntland kaga jira gobollada SSC maadaama degaannadaasi yeesheen maamul gaar ah.

Shirarkan ayaa  soo bilowday tan iyo markii la jiheeyay doorashada maamul goboleedka Puntland taas oo keentay in  Khaatumo  shirar joogta ah ay ka yeelato xildhibaanada ka soo gali jiray deegaanada Khaatumo.

Hoggaamiyaha Khaatumo ayaa  hore u sheegay in suurtagal aysan ahayn in deegaanadooda laga xulo xildhibaanada , Barlamaanka maamulkaas oo guda galaya soo xulistooda.

Si kastaba , waxaa la dhawrayaa sida ay isku bedesho xaalada siyaasadeed ee deegaanada SSC Khaatumo oo hadda u muuqata mid ay ka jiraan xasarado siyaasaseed oo ka dhashay xildhibaanada Puntland ee ka imaanaya Khaatumo.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha