XOG : Yaa ku baxaya wajiga labaad ee isku dhaandhaynta Golaha Wasiiradda ?

|

Muqdisho (ONKOD )  Xukuumadda Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare ayaa wajahaysa cadaadis xooggan  oo kaga imaanaya Golaha shacabka Soomaaliya sabab la xiriirta waxqabad la’aan muddo sanad ah .

Ra’iisulwasaaraha ayaa culays kaga  yimid Madaxtooyadda Soomaaliya la sheegay in loogu qaaday  xubno ka mid ah   Golihiisa Wasiiradda , taas oo la sheegay in ay ahayd fariin uu dirayay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare.

Xogo la helayo ayaa sheegay in xukuumadda Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi  Bare sidoo kale ay qorshaysanayso in meesha ay ka saarto  Wasiirada qaar si ay isaga yarayso culayska  kaga imaanaya dhanka Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda waxa la hayaa in xilka laga qaadi doono xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Jaamac oo lagu bedelayo Maxamed Sh Xaamud.

Sidoo kale Wasiieka Dastuurka ayaa la sheegayaa  in isagana lagu bedeli doono

Cabdiraxman Ceynte  oo horena Wasiir ugu ahaa Dowladii Nabad iyo Nolol halka Raaxa janaqoow oo lagu bedelayo Liibaan Cali Mahdi

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa  Axmed Fiqi ayaa isagana la sheegayaa in lagu bedelayo Cabdiraxmaan Odowaa

Wasiiru dowladaha Madaxtooyada  Abshir Bukhaari ayaa ka mid ah xubnaha isha lagu hayo kaas oo la sheegay in laga dhigi doono  oo safiir halka Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cadaala  isagana xilka laga qaadi doono.

 

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha