Xoghayaha Guud ee QM oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay doorashadii ka dhacday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo lagu doortay madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Xoghayaha Guud ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay, isaga oo ku bogaadiyey madaxweynaha xilka ka degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu si degdeg ah u aqbalay natiijada doorashada.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa rajo ka muujiyay in Madaxweynaha cusub uu si deg deg ah ugu dhaqaaqi doono soo dhisidda Gole Wasiiro oo loo wada dhan yahay, isla markaana ay Dowladda cusub ee uu soo dhiso iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalku ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan sidii loo horumarin lahaa arrimaha muhiimka ah ee Qaranka iyo caqabadaha horyaala.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa lagu sheegay “Xoghayaha Guud waxa uu ku celinayaa taageerada joogtada ah ee ay Qaramada Midoobay siiso dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

waxana uu rajaynayaa in uu sii wado wada shaqayn dhaw oo uu la yeesho maamulka cusub si loo horumariyo qorshaha dawlad-dhisidda Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee ba’an ee dalka ka jira” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xarunta guud ee Qaramada Midoobay.

Related Articles

News In English

Mogadishu police arbitrary detain and threaten journalists covering insecurity in the capital

Mogadishu (Onkod Radio), 4 July, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the arbitrary detention, threats and...

Several people shot at Copenhagen shopping mall: Danish police

Denmark (Onkod Radio) –Danish police said several people had been hit by gunshots at a shopping mall in the capital Copenhagen. Police reinforcements have been deployed...

SJS and SOMA strongly condemn travesty trial and jail sentence on journalists in Somaliland

Mogadishu (Onkod Radio) – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the travesty of trial and the one year and four...

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...