Yaa u hanjabay madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh ?

|

Muqdisho (ONKOD) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la isku dayayo in la dilo dhawr jeerna loo soo diray fariimo hanjabaad ah

Madaxwaynaha waxa uu sheegay  in hanjaabadaha uu kala mid yahay kuwo badan oo   u adeegaya umadda Soomaaliyeed oo si maalin ah loogu soo diro war ku saabsan in la dilayo.

” Inta la idin sheego ayaa la ii sheegaa , baabuur Qaraxa jidka kugu jiro waa lagu sumaynaa , ha isku bixin , fariintii xalay la ii soo diray hadaad aragto waa yaabaysaa , Shabaab inuusan i dili karin ayaa aaminsanahay ‘’ ayuu yir  Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in fariimaha  noocaan oo kale ay muujinayaan sida loo doonayo in la hanjabiyo kuwo doonayo inay u adeegaan dadka Soomaaliyeed ,laakiin loo baahan yahay inaan dhag jalaq loo siin.

Hadalkan waxa uu madaxwaynaha ka sheegay mar uu booqasho ku tagay xero ciidan oo ku taalla duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Waxa uu muuqdaa hadalkan ka soo yeeray Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya uu ka warhayo wararka ku saabsan in ay ku gadaamin yihiin shaqsiyaad aan daacad ka ahayn howlgalka ka dhanka ah kooxda Al – Shabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha